25.6 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Taliye Asad Diyaano oo tegay furimaha dagaalka ee Galgaduud + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo saddex sano kahor laga xoreeyay Al-Shabaab.

Taliyaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada ayaa ka dhagax dhigay saldhig Booliis oo dhawaan laga hirgelinayo deegaanka, si uu ugu adeego bulshada.

“Deegaankan waxaa saddex sano kahor laga xoreeyay Al-Shabaab oo dalkan iyo dadkaanba cadow ku ah in maanta saldhig Boolis loo dhagax dhigo oo halkan isugu imaano farxad ayay ii tahay waxaan idin ballan qaadayaa muddo dhow inuu bilaaban doonto dhismihiisa iyo qalabeyntiisa oo casri ah,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska.

Sidoo kale, dhagax dhigga xaruntan amni ayay baahi wayn u qabeen dadka deegaanka, iyada oo sidoo kale meesha ka saareysa caqabadihii dhinaca garsoorka iyo amniga la xiriiray oo ay qabeen reer Masagawaay.

Asad Diyaano ayaa sheegay in ciidanka Boliiska ee ku howgeli doona  saldhigga ay shaqadooda noqon doonto inay u adeegaan dadka deegaanka cadowgana ka ilaaliyaan, si looga hortego in amniga ay qalqalgeliyaan.

Waxaa kale oo bushada ka codsaday in ciidamada la shaqeeyaan, lana wadaagaan xogaha amni ee la xiriira dhagaraha ay maleegayaan Khawaariijtu si looga hortago.

Dhanka kale Taliye Asad ayaa kormeeray xarunta ay deegaankaas kaga howlgalaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha xilli ay ku guda jireen ololaha diiwaangelinta codbixiyaasha.

Masagawaay waxaa hadda ka howlgala ciidanka Xoogga oo marar kala duwan dagaallo culus la galay maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyaga oo cashir u dhigay.

- Advertisement -

Read more

Local News