Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tegay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha hore iyo dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaannada gobolka.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka soo hooyeen dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab, isaga oo ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si dalka looga ciribtiro kooxda.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada qalabka sida iyo dardar-gelinta howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo dib u xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda, diyaar-garowgooda iyo sida ay u gutayaan waajibaadkooda qaran, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duubnida.
Taliyaha ayaa sheegay in howl-gallada socda ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo wasiirka gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, kaas oo lagu dardar-gelinayo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, laguna xoojinayo isku-duwidda ciidamada ku sugan furimaha hore.










