Kheyre oo shaaciyay cidda ay ku xiran tahay inay Somalia dhibta ka baxdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday cida ay ku xiran tahay in dalka uu ka baxo dhibaatada uu ku jiro.

Kheyre ayaa sheegay in Somalia ay weli ka jiraan dhibaatooyin ka dhashay burburka dowladii Dhexe, waxa uuna sheegay in dhammaan dhibaatooyinkaasi ay dalka ka saari karaan Xildhibaanada baarlamaanka.

Waxa uu Kheyre tilmaamay in dhibaatooyinka ugu badan ee dalka ka jira uu yahay musuq-maasuqa, waxa uuna cadeeyay in sharciga la dagaalanka Musuq-maasuqa uu yahay mid horyaal baarlamaanka, hase ahaatee aan la meelmarin.

Kheyre waxa uu cadeeyay in Xukuumada Somalia ay aaminsan tahay in dhibta ugu weyn ee ka jira dalka ay tahay mid ku xeeran musuq-maasuqa iyo Argagixisada, waxa uuna ku baaqay in Xildhibaanada baarlamaanka ay meelmariyaan sharciga la dagaalanka musuqa.

”Waxaan Xildhibaanada sharafta leh ugu baaqeynaa inay meelmariyaan dhammaan sharciyada horyaal ee horseedi kara isbedelka dalka sida sharciga la dagaalanka musuqa”

”Baarlamaanka waa inay meelmariyaan sharciga la dagaalanka Musuq-maasuqa oo aan ku rajo weynahay in la dadajiyo maadaama musuqa uu daashaday hormarka uu ku talaabi lahaa dalka”

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay gudbisay Sharciga la dagaalanka Musuq-maasuqa, isla markaana wali uu horyaalo baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Kheyre ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii loola dagaalami lahaa Musuq-maasuqa.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili xarumaha dowlada qaarkood ay weli ka jiraan musuq-maasuqyo lagu lunsado xuquuqda shaqaalaha iyo hantida Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com