Kheyre oo shaqo joojin ku sameeyey wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumaddiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaqo Joojin ku sameeyay Wasiir kuixgeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye .

Shaqa joojinta, ayaa timid kadib markii uu dalab ka yimid Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

“R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqa joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga kadib codsi uga yimid Xeer ilaaliyaha Qaranka”, SONNA ayaa sidaas shaacisay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shaqo joojintan ay xiriir la leedahay gacan ku dhigista rag lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen dhaqida lacagta madow ee dollarka oo dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wuxuu noqonayaa Wasiir kuxigeenkii 2-aad ee uu shaqo Joojin ku sameeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa horay shaqada uga joojiyay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliya oo arrimo musuq maasuq ah lagu eedeeyay.