R/W Kheyre oo sheegay in horumar amni la gaari doonin inta Somalia ay heysato hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in horumar amaan aan dalka Soomaaliya laga gaari doono inta Soomaaliya ay saaran tahay cunuqabateynta dhanka hubka.

Xasan Cali Kheyre, wuxuu sheegay inay ku dadaalayaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunuqabateyntaasi, isagoo sheegay in markaasi ciidamada xooga dalka ay awood buuxda yeelan lahaayeen.

Amaanka dalka Soomaaliya ayuu sheegay inuu yahay iminka mid ku tiirsan dowladdo Shisheeyo, laakiin haddii ciidamada ay heli lahaayeen taageero dhanka hubka inay wax badan ka badali lahaayeen xaaladaha dhanka amaanka ee dalka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay wadaan dadaal ku aadan sidii Soomaaliya cunuqabateynta looga qaadi lahaa, si loo xaqiijiyo amaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayuu sheegay in ay arintaasi ay ka wada hadleen , islamarkaana uu socdo qorshihii xayiraada hubka Soomaaliya looga qaadi lahaa si ciidamada Ammaanka ay u helaan hub ay dalka ku difaaci karaan.

Somalia iyo Eritrea ayaa Qaramada Midoobay waxay saartay cunuqabateyn dhanka hubka ah, waxaana Soomaaliya horey looga qafiifiyay cunuqabateynta Saaran.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET