Faaalo: Wasiir Juxa oo ku hungoobay talaabadii ugu horeysay ee qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumada Somalia Cabdi Faarax Saciid (juxa), ayaa ku hingoobay talaabadii ugu horeysay oo ay qaaday Wasaaradiisa kadib markii uu ku fashilmay xalinta Khilaafka daba dheeraaday ee ka dhextaagan Galmudug iyo Ahlusunna.

Wasiir Juxa ayaa magacaabidiisa kadib lasoo baxay firfircooni waxa ayna dadku ahaayen kuwo saadaalinaayay inuu astaan u noqon karo xalinta Khilaafyada iyo muranada ka dhex aloosan Maamulada dalka ee sharci ahaan isaga hoostaga.

Wasiir Juxa ayaa la kowsaday Khilaaf muddo badan soo jiitamaayay oo u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana dhawaan la faray inuu xaliyo Khilaafka labada dhinac.

Wasiirka oo aan macluumaad badan ka heysan waxa uu ku saleysan yahay Khilaafka labada dhinac ayaa kari waayay inuu waanwaan kala dhex dhigo labada maamul si ay u suuragasho midoobidooda doorashada ka hor.

Wasiirka ayaa culeyska ugu badan kala kulmay Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe oo iyagu ku adkeystay in lamidoobida Galmudug ay ku xiran tahay bixinta dhaqaale xoogan oo ay sheegten.

Juxa ayaa ku guul dareystay in Ahlusuna uu u sameeyo ballanqaad gaaban iyo mid figba, waxa uuna go’aansaday in arrinta labada dhinac uu u gudbiyo Madaxda ka sareysa.

Juxa oo jahwareer lixaad leh kala kulmay xalinta labada dhinac ayaa waxa uu arrintaasi u wareejiyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia oo 16kii bishan Casuumad u sameeyay Madaxda maamulka.

Ra’isul wasaaraha ayaa qudhiisa Ahlusunna ka dhaadhicin waayay xal qaadashada waxa ayna Madaxda Ahlusuna ku xujeeyen in marka hore meella saaro Xuquuqdii ay ku lahayeen Dowladda Federaalka.

Madaxa Warfaafinta Ahlusunna Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula ayaa sheegay in fashilka wadahadalka uu soo degdegay kadib markii ay DFS iyo Madaxda Galmudug ay diideen codsi la xiriira in labada Baarlamaanka la isku daro isla markaana ay doortaan Madaxda Sare si loo helo sinnaan iyo wax wada qaybsi.

Madaxa Warfaafinta Ahlusunna Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula, waxa uu intaa ku daray iney wax badan ka tanaasuleen si loo helo Dowlad loo dhan yahay.

Ahlusunna ayaa sheegtay iney jiraan xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo hore u maja Xaabiyey in dadka deegaanka ay dhistaan Maamul ay ku mideysan yihiin kuwaasoo markale dhabar jabiyey wadahadaladii Muqdisho ku fashilmay.

Lama oga xaqiiqda ka danbeysa in Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Juxa u xalin waayen Khilaafka la sheegay in xalintiisa ay kasoo dhawaatay sidii hore.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET