Khilaaf hor leh oo soo kala dhex-galay saraakiisha S/Land iyo taliye la xirayo

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya saraakiisha ciidamada Somaliland, gaar ahaan taliyaha guud ee Milatariga iyo kan qeybta gobolka Sool ee maamulkaasi.

Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo la hadlay warbaahinta ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la soo xiro taliyaha guutada 31-aad ee maamulkaasi Ismaaciil Faraax Cawaale (Doolaal).

Kulan ay yeesheen labada taliye ayaa la sheegay in fashil uu ku soo dhamaaday , waxaana kadib taliye Taanni uu amray in gudaha magaalada Hargeysa lagu xiro Doolaal oo ah taliyaha ciidanka maamulka Somaliland ee ka howgala gobolka Sool.

Wararka qaar ayaa sheegaya in go’aankani taliyaha Milatariga Somaliland uu la ogyahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Arrintan ayaa salka ku heysa rabshado ka soo cusboonaaday gobolka Sool, halkaas oo ay Somaliland kula dagaalameyso jabhad uu hoggaamiyo Feysal Falaalug.

Xaaladda deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa maalmihii dambe kacsanayed, iyadoona dagaallo kala duwan ay ka dhaceen gobolladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com