Koox caalami ah oo dacwad ka dhan ah Somaliland u gudbisay golaha ammaanka

Nairobi (Caasimada Online) –Kooxda ladagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo CGPCS, ayaa si adag xukuumadda Somaliland ugu cambaaraysay siidaynta 19 maxbuus oo ku xirnaay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, kuwaas oo loo heystay falal la xiriira Burcad-badeednimo.

Qoraal ka soo baxay kooxda Ururka ladagaallanka Burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aan Somaliland ku sii daysay maxaabiista Burcad-badeedda ah, uu si cad u curyaaminayo dagaalka midaysan ee Beesha Caalamku mudada 10 sano ah kula jirtay qawlaysatada xeebaha Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in mudadii lagu jiray dagaalkaas lagu guulaystay in hoos u dhaca ballaaran uu ku yimaado Burcad-badeeddii Xeebaha Soomaaliya.

September ee sannadkii 2018-kii, ayuu sheegay Ururku inuu soo saaray qoraal uu Somaliland kaga dalbanayo in aan la sii dayn, maxaabiista loo heysto Burcad-badeednimada ee ku xiran magaalada Hargeysa, si aysan u dhiirri-gelin falalka Burcad-badeednimada ah.

Sidoo kale, Kooxdu waxay sheegtay in sii daynta maxaabiista, ay gebi ahaanba burinayso heshiiskii is-afgaradka ahaay ee Seychelles ay Somaliland ugu wareejisay maxaabiista xukuman si mudada xukunkooda ay ugu dhameystaan deegaanada Somaliland.

Waxaa kale oo ay kooxdu sheegtay, in xukunka lagu riday Burcad-badeedda aan waxba laga beddeli karin, ilaa ay ka heshiiyaan dhamaan dhinacyada ku midaysan ladagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida.

Qoraalka Ururka ladagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida ee (CGPCS) ayaa lagu sheegay in Somaliland dacwad arintaas ku aadan ay ka geeyeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo kooxdu sheegtay in dacwaddas looga dalbaday Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa inay talaabada ugu haboon ka qaado Xukuumadda Somaliland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Ururka (CGPCS)

Premature release of 19 convicted pirates by Somaliland Authorities

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
caasimada@live.com