KHILAAF iyo loolan xoogan oo ka dhex qarxay Cali Gacal iyo Qoor Qoor + Sababta

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa si weyn uga dhex qarxay khilaaf xoogan oo la xiriira doorashada lagu wado inay ka qabsoomto dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Guddoomiye Gacal ayaa waxa uu khilaafkooda la xiriira xubnaha ka imaanaya maamulka Galmudug ee Aqalka Sarre, kuwaasi oo uu madaxweynuhu rabo inuu si madax-banaan u maamusho, halka Gacal uu ku doodayo in si daah-furan looga shaqeeyo.

Xubnaha Galmudug ee Aqalka Sarre oo tiradooda dhan tahay ilaa Siddeed xubnood ayey hanaanka xulistooda ka taagan tahay maamulkaas, midaasi oo sarre u qaaday guux ka dhex taagna baarlamaanka iyo madaxtooyada Galmudug.

Siddeeda xubnood ee ka imaanaya maamulka Galmudug ayaa waxaa dooranaya baarlamaanka maamulkaas, waxayna dooda u adag ka taagan tahay in kuraasta Siddeeda ah loo xiro shaqsiyaad gaar ah oo uu gadaal ka taagan yahay Qoor-Qoor iyo inay noqoto mid daah-furan oo loo tartami karo.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku doodaya in howsha doorashada iyo abaabulkeeda ay u xilsaaran tahay xukuumaddiisa, islamarkaana aysan jirin door badan oo uu ku leeyahay baarlamaanka, midaasi oo ka careysiisay Gacal oo asagu qaba in mas’uuliyad ka saaran tahay hanaanka xulista xubnaha ka qeyb-galaya doorashadaas.

Si kastaba, khilaafka ka dhex qarxay Qoor-Qoor iyo Gacal oo xiligan maraya meel sarre, ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya loolanka adag ee mas’uuliyiintu ugu jiraan in xubno muuqda ku dhex yeeshan goleyaasha cusub ee soo socda.