Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex dhashay Odayaasha Dhaqanka Ee Gobolada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.
Khilaafka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Gudiga Farsamada ee loo xilsaaray wax ka dhisida Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya, iyadoona laga cabsi qabo in Khilaafka uu isku bedelo mid colaad Sokeeye uu ka dhasho.
Mid kamid ah Odayaasha shirka ka qeybgalay ayaa inoo xaqiijiyay in Khilaafka xoogiisa uu yahay mid ka dhashay Qaabka loo maray xulista Ergooyinka soo dhisaya Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur galbeed.
Waxa uu sheegay in Ergada ka kala soctay Gobolada Shabellaha Hoose iyo Baay iyo Bakool aan loo soo xulin qaabkii loogu talo galay, isagoona arrinkaasi ku micneeyay dadaal xumi ka ka jirta dhanka Cadaalada.
Sidoo kale, Arrinta Khilaafka soo kala dhex galay Ergooyinka ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka ayaa waxa uu sheegay in Khilaafka uu yahay mid aad u Xoogan, islamrkaana xalintiisa looga fadhiyo Xukuumada Somalia.
Dalxa waxa sidoo kale Tilmaamay in Odayaasha dhaqanka ay ka soo horjeedaan qaabka wax loo wado, Gudiga Farsamadana ay doonayaan kaligood in Howsha ay Maquunsadaan.
Waxaa la soo warinayaa in xiligaani uu Khilaafka yahay mid sii xoogeysanaaya iyadoona Ergada qaar ay ka baxeen Hoteelada ay degnaayen, taasi oo dhismaha maamulka fashilin karta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]