Xog: Xasan & Faarax oo hindisay fikrad mooshin la’aan lagu ridayo Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wasiirka caddaalada iyo dastuurka Faarax C/Qaadir, ayaa la shegay inay ka fakarayaan qorshe cusub oo aan mooshin ahayn, oo ay doonayaan inay ku ridaan ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, qorshaha cusub ayaa ah in laga wareego dhankii Xildhibaanada oo loo wareego dhanka wasiirada xukuumadda, ayada oo la eegayo laba faa’iido oo ku jirta arrintaas.

Tan koowaad ayaa waxa ay tahay, in wasiirada ay tiro ahaan ka yar yihiin xildhibaanada, ayna fududahay in laga dhaadhiciyo qorshe ahaan, islamarkaana qarashka ku baxaya wasiirada ka yar yahay kan xildhibaanada.

Tan labaad ee jirta ayaa iyana waxa ay tahay in wasiirada ay badan yihiin ama u janjeeraan dhanka Xasan Sheekh. Wararka ayaa sheegaya in wasiiro markii hore uu ra’iisul wasaaraha soo magacowday ay hadda ku xiran yihiin madaxweynaha.

Qorshaha Xasan iyo Faarax ayaa ah in dhammaan wasiirada ay mar qura is- casilaan, si ay u dhacdo xukuumadda Cabdi Weli Sheekh, taasi sida ay qabaan madaxa wasiirada (Ra’iisul Wasaaraha) uu la dhacayo.

Si kastaba, arrintan kuma kala cadda dastuurka Soomaaliya, balse sida la og yahay madaxda Soomaalida ayaan ku dhaqmin dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com