Somaliland oo arrin yaab leh billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ka soo xiganay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Asluubta Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegen in Maamulka uu bilaabay in Maxaabiista lagu Eedeynaayo ku lug lahaanshaha Xagjirnimo ee ku kala xiran Xabsiyada waaweyn ku wareejisay Sirdoonka Jabuuti iyo Ethiopia.

Saraakiisha ayaa inoo xaqiijiyay in ku dhawaad 42 Maxaabiis siyaabo kala duwan Sirdoonkaasi loogu wareejiyay muddo Seddex Asbuuc gudaheeda, ayada oo lacag la dhaafsanayo

Maxaabiista ayaa waxa ay badi u badan yihiin kuwo lagu qabtay shaki iyo kuwo lagala soo baxay aqaladooda ku yaalla Magaalada Hareysa.

Arrintaani ayaa waxa ay noqoneysaa mid Fajac galisay Bulshada Hargeysa, waxa ayna noqoneysaa tii ugu horeysay oo ka dhacda Magaalada tan iyo markii Somaliland ay sameysatay maamul goboleed.

Waxaan la Ogeyn Ujeedka Maamulka Somaliland ay ka damacsan tahay wareejinta Maxaabiista oo la Tilmaamay inay u badnaayen dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar oo kasoo kala jeeda Muqdisho, Bosaaso iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com