Damu-Jadiid oo kulankii ugu weynaa ku qaatay madaxtooyada (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Habeenimadii xalay Madaxda, Saraakiisha iyo Culimada Dam-Jadiid ay Villa Somalia ku qaaten kulan adag.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in kulanka uu ahaa mid salka ku haayay Arrimaha Siyaasada iyo kaalimaha ay Dam-Jadiid ku leeyihiin Hoggaanka Siyaasada dalka.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa la sheegayaa in looga arrinsaday Khilaafka ka dhex taagan Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli, waxa ayna isla meel-dhigeen in muhiimadu ay tahay in xal ay ka gaaraan Khilaafka, iyagoona Tilmaamay in Khilaaf xiligaani soo kala dhex gala Labada Mas’uul uu sababi karo fashil ku imaada damaca Siyaasadeed.

Kulanka inta uu socday ayaa waxaa isla goobta ku wada hadlay Madaxweyne Xassan, Ra’isulwasaaraha iyo Xubnaha Dam-Jadiid ka joogay madasha, waxaana halkaasi lagu maslaxeeyay Labada Mas’uul oo uu u dhexeeyay Khilaaf.

Waxaa hadda jawi degan ku soo laabtay Siyaasada Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli, iyadoona C/weli laga dhaadhiciyay in Khilaafka uusan soo laaban.

Dhanka kale, Kullanka ayaa intiisa badan ahaa mid ay Xarakadu ku raadineysay xal laga gaara Siyaasada, maadama ay Dowladu tahay heer gabogabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com