Khilaaf ka dhexjira Ciidamada DFS iyo Maamulka Shabeelaha Hoose

Muqdisho (Caasimada online) Cornel: Geeseey Cali Indhoole , TaliYaha guutada Seddexaad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa wuxuu si kulul uga hadlay Isbaarooyin lagu eedeeyay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay u yaalaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu qiray inay gobolka Shabeelaha Hoose meelo ka mid ah ay Isbarooyin yalaan balse wuxuu sheegay inaysan ciidamada dowlada Soomaaliya shaqo ku laheyn laakiin  ay u yaalaan ciidamo maleeshiyo beleed ah .

Wuxuu sheegay in Isbarooyinkaas ay yaalaan inta u dhexeysa Muuri iyo Shalaambood isagoo sheegay in xitaa dadka Hantidooda lagu dhaco sida uu sheegay , waxaana sida  uu tilmaamay ay si dadban ay u hoostagaan Mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Gobolka.

Siyaasad gaar ayuu sheegay in laga leeyahay eedeynta ah in ciidamada dowlada Soomaaliya ay Jidgooyooyin u yalaan Shabeelaha Hoose, balse arintaas aaney jirin cadeyn dhab ah oo muujineysa .

Ciidaamada dowlada Soomaaliya, ayuu sheegay inay bara Koontaroon ku leeyihiin meelo kamid ah gobolka, waxaana uu sheegay in wax lacago ah inaysan gaadiidka ka qaadin askarigii lagu arkana ay tilaab ka qaadayaan .

Waxa sababay in arintan ay heerkan gaarto, ayuu Taliyuhu ku sheegay inay tahay in Maamulka xubno kamid ah ay buun buuniyeen iyagoo siyaasad kale kaleh sida uu sheegay  balse wuxuu sheegay in arintaas la isaga daba tagi doono sida uu shaaca ka aaday .

Mudooyinkan dambe, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Jidgooyooyinka ay kusoo bateen gobolada Shabeelooyinka gaar ahaan Shabeelaha Hoose, dhawaana waxaa ka dhacay dagaal beeleed salka ku hayay is qab qabsi isbaaro ka dhashay kaas markii dambe gacan ka hadal iyo kala safasho ciidan qaab beeleed ah sababay inkastoo markii dambe la xaliyaya .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com