Khilaafka Beledweyne ka taagan oo sii xoogeystay

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya kulamo gaar gaar ah oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay saraakiil ka socota dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi.

Intooda badan kulamadani ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan Beledweyne, kaas oo ka dhashay amar ka soo baxay dowladda oo ku aadanaa in ciidamada jooga magaaladaasi loo daabulo dhanka gobolka Galgaduud.

Waxgaradka magaalada ayaa ka biyo diiday arrintaasi,waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay farogelin ku heyso arrimaha gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo kulamadii xalay ayaa sheegaya inay ku soo dhamaadeen fashil, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah.

Sidoo kale ilo lagu kalsoonyahay ayaa  Caasimada Online u xaqiijiyey in lagu kala tagay shirarkaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha HirShabelle oo dhankiisa kulamo gooni gooni ah la qaatay saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com