Khilaafka ka dhex aloosan xukuumada iyo BF oo cirka isku sii shareeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali soo baxaaya digniinada laga soo saarayo Khilaafka muuqda ee u dhexeeya Xukuumada Somalia iyo Xildhibaanada BFS.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ah Xildhibaanada BFS, oo Khilaafkaani ka hadlay ayaa sheegay in Khilaafka uu ka dhalankaro halis soo foodsaarta horusocodka Dowlada.

Boqore, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in xiligaani ay dayacan yihiin Soomaalida lagu mooraal jabiyo Mooshin iyo Khilaaf aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda jirta.

Boqore, waxa uu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay saameynta uu Khilaafka ku yeelan doono shaqooyinka Dowlada, waxa uuna bidhaamiyay in Khilaafkaani uu kala dhantaalay rajadii shacabka.

Waxa uu tilmaamay in Ra’isul wasaaraha laga doonaayo in si ka madax-banaan Khilaafka loo xaliyo muranka taagan, si buu yiri uusan arrinka usii weynaan.

Waxaa sii kordhaaya Cabashooyinka kasoo yeeraya Xildhibaanada BFS, waxaana lasoo warinayaa in Cabashooyinkaasi uu dhagaha ka fureystay Ra’isul wasaaraha.

Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo aad u farabadan ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Wasiirada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com