Kulan gaar ah oo albaabada u xiran oo u socdo Farmaajo, Jawaari iyo Kheyr

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka ayaa kulan wuxuu uga socdaa madaxtooyada Soomaaliya kaas oo looga arinsanayo mustaqbalka golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay magacaabista wasiirada .

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’isul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa kulan albaabada u xiran yihiin wuxuu uga socdaa madaxtooyada Soomaaliya .

Kulankan oo ah mid albaabada ay u xiran yihiin isla markaana saxaafada ay iyo siyaasiyiinta kale ee dalka ay dibad joog ka yihiin ayaa la sheegayaa in looga arinsanayo diidmada gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya .

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa  doonaya in Gudoomiye Jawaari ay ka dhaadhicyaan inuusan ka hor imaan Wasiirada cusub ee dhowaan uu soo magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, isla markaana uu taageero .

Farmaajo iyo Kheyre, ayaa ku dadaalaya sidii codka kalsoonida ay ugu heli lahaayeen Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com