Khilaafka kuraasta gobolada Waqooyi oo sii xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib markii ay siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaas ay ku kala jabeen habraacii doorasho ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xildhibaan Axmed Maxamad Jaamac Cirro, oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka ee kasoo jeeda Somaliland oo la hadlay BBC-da ayaa eedeyen culus u jeediyay garabka Cabdi Xaashi, kuwaasi oo ku tilmaamay rag dano gaar ah u dagaalamaya oo aan wadin mid umadeed.

Cirro oo asagu taabacsan garabka kale ee Mahdi Guuleed ayaa soo dhaweeyay harbaaca kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuuna sheegay inay qeyb ka yihiin tanaasulaadka doorashada, si loo gaaro doorasho

“Waxaa qalad ah in oo aan u aragnaa inay tahay qalad Cabdi Xaashi, Maareeye, Xuseen Carab iyo Dr Cilmi, iyo inta la socota in wax la weydiiyo, afar qof oo gooni isku taagay oo raba in dan gaar ah abaabushaan oo la maqlo ayaa xaaran ah,” ayuu yiri.

“Intii kale ma afartaas ayaa ka awood weyn, yaa dhisay Cabdi Xaashi iyo Maareeye?. Dad doonaya dan gaar ahna nama matalaan anaga, boobkii hore oo kale lama rabo.”

Khilaafka kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dhowr jeer soo noq-noqday, kaasi oo aan ilaa hadda heshiis rasmi ah laga gaarin, ayada oo maalmihii u dambeeyay uu sii xoogeysanayay kadib markii ay labada dhinac ku sii kala jabeen habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka.