DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay garoonka Kabul iyo khasaaraha illaa hadda

Kabul (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa laba qarax oo waa weyn oo ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo NATO.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in mid ka mid ah qaraxa uu ka dhacay albaabka Abbey Gate. Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel 200m u jirta isla albaabkaas.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geerriyootay, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan. Dadka dhintay waxaa ku jira caruur.

Mas’uulka ka tirsan Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaalada Taalibaan lagu dhaawacay weerarka. Qaar ka mid ah ciidamada ajnabiga ah ee garoonka jooga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah askarta Mareykanka ay dhaawacmeen, inkasta oo uusan shaacin tirada rasmiga ah. 

Afhayeen u hadlay ciidamada Britain ayaa xaqiijiyey in ciidankooda uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

Banaanka garoonka ayaa waxaa ku sugan kumanaan qof oo doonaya in galaan garoonka, si halkaas looga qaado oo loo geeyo dalalka Reer Galbeedka, ayaga oo ka cararaya kooxda Taalibaan.

Weerarka ayaa waxaa loo badinayaa inay fulisay kooxda Daacish ee dalka Afghanistan oo dagaal uu kala dhaxeeyo Taalibaan.

Saraakiisha Mareykanka iyo NATO ayaa dhowr saacadood un kahor sheegay inay heleen akhbaaraad sirdoon oo sheegaya in qarax is-miidaan ah la doonayey in lala beegsado garoonka.

Khasaaraha qaraxyada ayaa la filayaa inay sii kordhaan.