Shirka Cadaado oo arrimo yaab leh ka socdaan!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo warinayaa in Khilaaf hor leh uu xiligaani ka taagan yahay Shirka ka soconayo Magaalada Cadaado ee Xarunta maamulka ximan iyo xeeb.

Wararku waxa ay soo sheegayaan in Khilaafkaasi uu yahay mid u dhexeeya Musharaxiinta u taagan xilka iyo Ergooyinka oo dhinac ah kadib markii shirka laga dhex abuuray xubno u adeegaayo musharaxiin gaar ah, halka Musharaxiintii kale laga afduubtay Ergooyinkii u adeegaayay.

Shirka ayaa waxaa ka dhex abuurmay Xubno qaab qabiil u abuuran oo caqabad ku ah Musharaxiinta qaar, waxaana la tilmaamayaa inay caqabad ku yihiin qaar kamid ah Musharaxiinta.

Ergooyinka ayaa iyaguna ah kuwa u kala hiilinaayo Musharaxiinta waxaana la rumeysan yahay in qaarkood ay joogaan Hool waliba oo lagu qabanaayo xaflad taageero musharax lagu muujinaayo, kuwaasi oo aan la garaneynin halka ay raacsan yihiin ilaa hadda.

Dhanka kale, Xubnaha qaar ayaa rajo xumi ka muujinaayo qaabka ay u socto howsha iyo suuragalnimada caqabadaha ka dhalankara maadaama ay badi yihiin kuwo aan ka dhaxeyn Siyaasad mideysa kuna kala irdhoobay Shirka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com