Khuburo shaaca ka qaaday goobaha Somalia ee uu ku jiro shidaalka ugu badan

Nairobi (Caasimada Online) – Khubaro Daraasaysa cilmiga Jiyoolajiga gaar ahaan khayraadka shidaalka ayaa waxa ay sheegeen in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan oo noocyadiisa kala duwan ahi sida Batroolka iyo Gaasta dabiiciga ahba, iyaga oo sheegay in shirkado badani wakhtigan xiisaynayaan in ay shidaal ka soo saaraan Soomaaliya.

Khubaradani waxa ya sheegeen in calaamado badan oo la helay ay muujinayaan in shidaal badani ku jiro Soomaaliya marka lagu horreeyo badda Soomaaliya ee Indian Ocean. Astaamahaasi oo ay ka mid yihiin badda salkeeda oo uu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado isagoo dareere ah ama hawo ah ah.

Dayax-gacmeedyada baadha dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaasi ka jiro. Taasi waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baadhayaasha in badda salkeeda dhulka ahuu khayraad dabiici ah oo badani yaallo.

Waxay sidoo kale sheegeen in oogada dhulka laga dheehan karo goobo badan oo gaas dabiici ahi ku jiro sida Gobolada Togdheer iyo Oodweyne oo hadda hoos-taga Somaliland. Halka dhinaca xeebta Gobollada Saaxil, Maroodi-jeex Awdal iyo Salal-ba ay ka jiraan shidaal noocyo kala duwan ahi.

Baadhistii dhinaca dalka Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday (Potential) botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fadhiisin) oo leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin.  Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo.

Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku beegan maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Banaadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baadhista (Geo-physical) jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Hore botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku  jiro badda hoos teeda.  Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen.

Shirkadaha Soomaaliya heshiisyada la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil ayaa ugu horraysay oo iyadu waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, November 1988 kaasi oo laga baadhay dhinaca gobolo hadda ka mid ah Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com