Kiiskii muranka dhaliyey ee Barkhad Batuun iyo xaaskiisa oo hab cajiib lagu soo afjaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Batuun oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maalmihii dambe wajahayay eedeyn culus, oo u dhigneyd “in sifo sharic darro ah ku haysto gabadh uusan qabin”.

Dooda ka dhalatay kiiskaan ayaa waxa lagu soo afjaray magaalada Hargeysa, kadib markii ay kulan isugu yimaadeen labada dhinac ee ka kala socday haweeneyda Mushtaaq Cabdi Naano iyo Barkhad Batuun.

Waxaa goobta kulanka labada dhinac uu ka dhacay lagu dhaariyay Sheekh cadeeyay inuu magaalada Boorama iskugu mehriyay Mushtaaq iyo Barkhad, isaga oo sheegay in meherkooda uu ahaa bishii 11-aad ee sanadkii 2020-ka.

Sidoo kale waxaa isla goobta lagu dhaariyay labo markhaati oo ku qornaa warqada meherka, ayada intaas kadib shaaciyeen qoyska Mushtaaq inay ku qanceen, wixii intaas ka dambeeyana ay sharciga la tiigsan doonaan cidkasta oo ku xad-gudubta sharafta gabadhooda.

Kiiskaan oo ahaa mid aysan ka marneyn arrimo siyaasadeed ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana dhowr jeer oo kala duwan warbaahinta kasoo muuqday Mushtaaq iyo Nin sheegay in uu yahay adeerkeed, kaasi oo Barkhad ku eedeyay in uu gabadhooda iska haysto.

Mushtaaq ayaa hore u xaqiijisay dhankeeda inay sifo sharci ah isku guursadeen Xildhibaan Barkhad Batuun, ayada oo xiligaas warbaahinta u soo bandhigtay warqad ay ku sheegtay “cadeynta meherkooda”.

Si kastaba, eedeynta culus ee ka dhalatay kiiskaan loo jeediyay Batuun ayaa markii hore kasoo bilaabatay xubno kamid ah xisbiga Kulmiye, isaga oo soo maray wajiyo kala duwan, hase yeeshe ugu dambeyntii arrintaan ayaa lagu dhameeyay magaalada Hargeysa.