Kismaayo (Caasimada Online) Wararka iminka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbda hoose hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi maanta lagu dilay nabadoon caanka ahaa magaaladaas.
Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in Kismaayo Kooxo hubeysan ay maanta ku dileen nabadoon Gam’diid Nuur oo a mid ah nabadoona ugu caansan magaalada , kaas oo sida la sheegay kasoo jeeda Beesha Sade .
Kooxa Dilka geystay ayaa isaga baxday goobta ay nabadoonka ku dileen waxana durba halkaasi soo gaaray ciidamada maamulka KMG ah ee Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madaxmed Islaam Axmed Madoobe .
Ciidamada ayaa howlgalo baaritaano ah waxay kawadaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo kaas oo ay ku doonayaan inay kusoo qabtaan kooxihii dilka geystay.
Ilaa iminka si dhab ah looma oga waxa keenay dilkan nabadoonka mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka iyo iyo Saraakiisa Jubba ee Kismaayo ku sugan.
Sidoo kale ma jirto Cod sheegatay Mas;uuliyadda dilka Nabadoon Gam’diid .
Wixii warar kusoo kordha ka daalaco http://www.caasimada.net/
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo