25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Koonfur Galbeed oo digniin soo saartay kadib xaalad…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta digniin culus kasoo saaray xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, maadaama ay saameysay abaar xoogan.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta MusiibooyinkaKoonfur Galbeed ayaa goodhow shaacisay inay ka digeyso khatar bani’aadanimo oo ku soo wajahan deegaanada Koonfur Galbeed, iyada oo ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg-deg ah.

Sida ay ku sheegtay qiimeyn ay sameysay Wasaaraddu waxayn muujineysaa in 621,000 qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, halka 134,970 carruur ah oo ka yar 5 sano ay wajahayaan nafaqo-darro aad u daran.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay roobkii deyrta oo yaraaday aawgii ay saameyn ku yeesheen ilo-biyoodka iyo wax-soo-saarka beeraha, taasoo sii xoojisay duruufaha nololeed ee bulshada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha samafalka inay bixiyaan jawaab degdeg ah si looga hortago halista sii kordheysa.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in Koonfur Galbeed ay sameyneyso dadaal kasta oo lagu garab istaagi karo dadka danta yar, maadaama barakacayaasha ugu badan ay ku nool duleedka magaalada Baydhaba

“Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ballanqaadaysaa inay sameyneyso dhammaan wixii suurtagal ah si bulshadeedu u hesho gargaar ku filan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka.

Soomaliya ayaa waxaa haatan meelo kala duwan oo gobollada dalka ah laga soo warinayaa abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada.

- Advertisement -

Read more

Local News