25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Koonfur Galbeed oo qaaday tallaabo la xiriirta dadkii lagu laayay Wanlweyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed oo howlgal culus sameeyay ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay deegaanka Gareeri oo koonfur kaga beegan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadu ay howlgalkooda kusoo qabteen illaa 5 qof oo lagu tuhunsanyahay inay ku lu lahaayeen weerarkii lagu laayay dadkaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale weli sii wada howlgalkooda, waxayna baadi goobayaan shaqsiyaad kale oo la rumeysan yihiin inay ku lug leeyihiin dhacdadaasi.

Xildhibaan hore Maxamed Cumar (Dalxa) oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa boggaadiyay tallaabada ay qaaday Koonfur Galbeed, wuxuuna ku taliyay in eedeysanayaasha si deg-deg ah loo horgeeyo cadaaladda.

“Haddii 5 qof oo ku lug lahaa kiiska lasoo qabtay waa arrin bogaadin mudan, kuwa kalena waa la daba taagan yahay marka waxaan soo jeedinayaa in deg-deg Maxkamad loo horgeeyo, waana wax ay ku cibra qaadan doonaan dadka inta fara badan ee sida micna darada ee aanan u aaba-yeelinin dhiigga qofka Muslimka ah ee Ilaahey xarimay” ayuu yiri Dalxa.

Sidee ayuu u dhacay weerarka lagu laayay shacabka ee Wanlaweyn?

Dadka la beegsaday oo xoolo dhaqato ahaa ayaa loogu tegay iyaga oo waraabinayo xoolahooda, kadibna sidaas ayaa lagu laayay, sida dhawaan ay sheegtay Senator Zamza Cabdullahi Axmed oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Senatorada oo metasha dadkaasi oo kasoo jeeda Beesha Gaaljecel ayaa xaqiijisay in dhimashada ay gaartay illaa 13 qof, isla markaana ay mas’uuliyadda qaadeyso Koonfur Galbeed.

Dadka dhintay waxaa ku jira Hooyo, Aabe iyo ilmo yar oo ay dhaleen, waxaana dilkooda lala xiriiray aano qabiil oo ka taagan aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Dhimashada waxay mareysaa 13 qof oo qoysas dhan oo la’is ag dhigay, kadibna la laayay arrintaa waxaa wax laga waydiinayaa Laftagareen & wasiirkiisa amniga” ayay tiri Zamzam.

Dhanka kale, Nabadoon u hadlay dadka xoola dhaqatada ah ee la laayay ayaa ku eedeeyay dhibaatada dhacday inay ka dambeeyeen ciidanka Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay inay arkayeen ragga weerarka gaystay, balse aysan waxba ka qaban.

“Ilaahey ha u naxariisto dadkii masaakiinta ahaa ee xoolo dhaqatada ahaa oo maanta loogu tegay wartii ay xoolaha ka shubanaayeen, iyaga oo waxba ka ogeyn inay u tageen niman ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed halkaas ay ku xasuuqeen” ayuu yiri Nabadoon u hadlay ehelka dadka la laayay.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, si ay usoo farageliyaan kiiska dadka la laayay, haddii kale ay iyagu bixin doonaan jawaab culus.

“Arrintaas waa dulmi ay sameyneyso Koonfur Galbeed iyadaa mas’uul ka ah wixii meeshaas ka dhaco waxaan u sheegeynaa adduunka iyo dowladda Soomaaliya haddii arrintaasi degdeg looga soo jawaabi waayo in gacmaheenna aan uga jawaabi doono”. ayuu raaciyay.

- Advertisement -

Read more

Local News