28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xafiiska R/W Xamza oo lugaha la galay fadeexad $100 milyan oo ah heshiis lala galay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Stockholm (Caasimada Onlien) – Heshiis sir ah oo ku saabsan socdaalka oo dhex maray Sweden iyo Soomaaliya ayaa sababay is-mari-waa muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay hay’adaha dawladda Sweden iyo dawladda Soomaaliya lafteeda, sida lagu sheegay baaritaan ay samaysay Idaacadda Raadiyaha Sweden (Swedish Radio News).

Khilaafka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay markii ay Soomaaliya dalka ka eriday madaxii gargaarka Sweden ee Muqdisho, kaddib markii loo arkay inay caqabad ku ahayd bixinta lacago la ballanqaaday, sida ay ilo Soomaaliyeed u sheegeen Swedish Radio News.

Taariikhdu markay ahayd 7-dii Diseembar 2023, safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Joachim Waern, ayaa fariin emayl ah u diray dhowr sarkaal oo ka tirsan Xafiisyada Dawladda Sweden, taasoo ciwaankeedu ahaa: “Uppgörelse klar” (“Heshiis ayaa la gaaray”).

Sida ay sheegtay Swedish Radio News, Waern wuxuu qoray inuu heshiis la galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya: kaasoo dhigayay in 100 milyan oo karoon, una dhiganta $10 milyan, oo laga soo qaaday miisaaniyadda gargaarka Sweden lagu shubo sanduuq maaliyadeed oo cusub oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga. Taas beddelkeeda, Soomaaliya waxay aqbali lahayd muwaadiniin ay Sweden doonaysay inay dalkeeda ka masaafuriso — oo ay ku jiraan dembiilayaal la xukumay oo diiday inay si iskood ah uga baxaan dalka.

Heshiiskan ayaa isla markiiba kiciyay xiisad. Markii uu emaylku gaaray Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida), shaqaalaha hay’addu si weyn ayay uga horyimaadeen oo diideen inay fuliyaan. Mid ka mid ah sababaha ayaa ahayd saamaynta weyn ee uu xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku yeelan lahaa sanduuqa Soomaalida iyo Talyaaniga.

“Asal ahaan waa sanduuq uu leeyahay ra’iisul wasaaruhu,” ayuu yiri Omar Mahmood, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ka faallooda oo ka tirsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee Internation Crisis Group (ICG). Wuxuu u sheegay Swedish Radio News in kiiskani uu tusaale u yahay sida ay dawladda Soomaaliya ugu raadinaysay inay gacan ku hayn toos ah ku yeelato kaalmooyinka dhaqaale ee dalka soo gala.

Iska hor-imaadkii Soomaaliya

Is-afgaranwaagan ayaa iska horkeenay mas’uuliyiinta Sida iyo safiirka, waxaana waqti yar kaddib Sweden is-aragtay iyadoo sidoo kale uu khilaaf kala dhexeeyo Soomaaliya. Saraakiisha Soomaalida, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ahi, waxay ku adkaysteen in lacagtii la ballanqaaday lagu shubo sanduuqa.

Dadaal lagu doonayay in xal dhex-dhexaad ah lagu helo, ayay Sweden markii hore 40 milyan oo karoon ku wareejisay sanduuq uu leeyahay Bankiga Adduunka (World Bank). Si kastaba ha ahaatee, markii ay isku dayday inay xawisho $60-ka milyan ee haray, Bankiga Adduunka ayaa diiday, isagoo hor istaagay lacag bixintaas.

Dib-u-dhacaas ayaa caro ka kiciyay Muqdisho. Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa kaga jawaabay iyagoo joojiyay tarxiilkii dadka ee ka imanayay Sweden, iyagoo sheegay in Stockholm aysan ka soo bixin qaybteedii heshiiska.

Waqti yar kaddib, madaxii gargaarka Sweden ee Muqdisho, Anna Saleem Högberg, ayaa lagu dhawaaqay in ay tahay qof aan dalka laga rabin (persona non grata) waxaana laga eryay Soomaaliya. Ilo Soomaaliyeed ayaa u sheegay Swedish Radio News in loo arkayay inay hor taagan tahay wareejinta lacagta.

Is-mari-waaga ayaa dhammaaday bishii May, markaasoo ay dawladda Sweden wax ka beddeshay awaamiirta qoondada miisaaniyadda ee Sida, oo ah sharciga hagaya hawlaha hay’adda. 60-kii milyan ee karoon ee haray ayaa la fasaxay, laakiin markan waxaa loo weeciyay mashaariic lala kaashanayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya balse lagu fulinayo kormeerka Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP). Kaddibna waxaa dib u bilowday tarxiilkii dadka ee Sweden uga imanayay Soomaaliya.

Waern iyo mas’uuliyiintii Sida ee si tooska ah ugu lug lahaa midkoodna ma aqbalin in la waraysto. Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden, Benjamin Dousa, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hay’adda Sida iyo safaaradaha Sweden ay mas’uul ka yihiin fulinta siyaasadda gargaarka.

Idaacadda Raadiyaha Sweden waxay sheegtay inaanay u suurtagelin inay jawaab ka hesho xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News