Koox HUB lasoo dageysay iyo ciidanka Puntland oo ku dagaalamay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka Puntland iyo koox hubeysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamul goboleedka Puntland.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka amniga ay weerar ku qaadeen koox hubeysan oo hub sharci darro ah kala soo dageysay xeebaha dhanka bari ee magaalada Boosaaso, waxaana kadib halkaasi ka qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen qof kale oo shacab ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga hubeysan ay goobta ka baxsadeen, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay waddo dowlad goboleedka Puntland.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee Boosaaso oo ku aadan dagaalkaasi khasaaraha dhaliyay ee dhex-maray ciidanka iyo ragga hubeysan.

Inkastoo dagaalkan si wayn looga dareemay magaalada, haddane waxaa saaka deggan xaaladda Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee Puntland, Soomaaliya.

Inta badan waxaa magaalooyinka maamulkan ka dhaca dagaallo dhex-mara ciidamada amniga iyo kooxo hubeysan oo ay ku jiraan kuwo ganacsada maan-dooriyaha.

Si kastaba, Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay wadday howlgallo culus oo ay kula dagaalameyso kooxaha hubeysan iyo burcad badeedda kasoo cusboonaatay halkaasi