25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Kooxdee ugu badan ee maaliyadeeda laga iibsadaa caalamka? (Baro Top Ten)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayaa ugu sita liiska kooxaha ugu iibinta badan maaliyadooda, iyadoo koox weliba ay shantii sano ee lasoo dhaafay caalamka u iib geysay 1.4 milyan oo maaliyado Rasmi ah.

Red Devils iyo Los Blancos ayaa ah labada koox ee ka mid ah sedax kooxood oo dhaafay hal milyan oo maaliyad iib geyn ah intii u dhexeysay 2007-08 iyo 2011-12, halka booska sedaxaad ay degtay kooxda baasas qurxoon ee Barcelona taasoo iyaduna iibsatay 1.15 maaliyado rasmi ah.

Horyaalka Barclays Premier League ayaa afar koox ku leh kooxaha ugu badan ee maaliyado laga iibsado sano walba waana Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Arsenal, Halka Horyaalka Italian Serie A, ay majaraha u hayaan Juventus, Inter iyo AC Milan. Horyaalka aan ka dhicin ee Bundesliga Germany waxaa matalaaya kooxda lagu niinaaso Bavarians ee Bayern Munich, FC Hollywood ayaana ah koox ka mid ah kooxaha sanadii laga iibsado maaliyadaha ugu badan caalamka.

Waxaa sameeyey maaliyadahaan tobanka koox ee ugu sareysa midkood shirkada ku caan baxay qalabka Ispoortiga ee Adidas ama Nike, iyadoo Shirkada waliba ay dhinac u ridatay shan koox oo ka mid ah liiskaan.

Liiska Tobanka koox ee loogu iibsiga badan yahay maaliyadahooda waa sidaan:

#KooxdaWadankaQiimaha la iibiyeyShirkada
1Manchester UnitedEngland1.4 milyanNike
2Real MadridSpain1.4 milyanAdidas
3BarcelonaSpain1.15Nike
4ChelseaEngland910 kunAdidas
5Bayern MunichGermany880 kunAdidas
6LiverpoolEngland810 kunAdidas
7ArsenalEngland800 kunNike
8JuventusItaly480 kunNike
9InterItaly425 kunNike
10AC MilanItaly350 kunAdidas

*Ogow maaliyadaha la xisaabshay waa kuwa rasmiga loo iibiyey.

- Advertisement -

Read more

Local News