Korneyl Caare oo weerar culus ku qaaday Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhasha weerar xalay saqdii dhexe jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caare ay ku qaaday saldhigga ciidamada Somaliland magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa la sheegay inuu ku bilowday qoryaha waa weyn iyadoona dagaalku uu socday muddo dhowr daqiiqo ah

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay mar qura ku soo tuseen rasaasta la is weydaaranayey.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’eg yahay.

“Anaga oo iska joogna ayaan waxaan maqalnay rasaas fara badan oo dhaceysa,waxaana naloo sheegay in Ciidamada Korneyl Caare ay weerareen saldhiga Dhexe ee Magalada Ceerigaabo, khasaarana wuu jiraa balse ma ogin xaaladuna waa ay saakay degan tahay ayuu yiri.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka Somaliland ay sameeyeen iska caabin xoogan, welina ma aysan ka hadlin weerarkaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka baxay dhinaca jabhadda hubeysan ee Korneyl Siciid Caare, kaas oo la xariira dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona gudaha magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi.

Inta badan Korneyl Caare oo si weyn uga soo horjeeda Somaliland ayaa weeraro gaadma ah ku qaada xarumaha ciidamada maamulkaasi ee gobollada Sool iyo Sanaag.