Dhaca dadweynaha ee ka jira Muqdisho oo gaaray in maalintii lagu dhiirado

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku nool degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Madiina iyo xaafado kale ayaa ka cabanaya dhac xoog leh oo habeen iyo maalin ah ka dhaca xaafadahaas.

Kooxaha dadka dhaca oo wata hubka fudud ayaa gala wadooyinka waxayna kadib moobeelada iyo agabyada kale ka qaataan dadweynaha.

Dadka ugu badan ee cabashada qaba ayaa ah ardayda Iskuulada iyo Jaamacadaha oo loo galo wadooyinka xiliyada maalintii iyo markii ay subaxdii baxayaan.

Sidoo kale dadka ganacsatada iyo kuwa shaqada aada ayaa subaxdii wadooyinka loo galaa islamarkaana laga qaataa wixii ay wataan.

Dhaca iyo baarashada dadweynaha Muqdisho oo markii hore kaliya ahaa habeen, ayaa hadda xiliyada maalintii ah si wayn looga dareemayaa xaafadaha Muqdisho.

Hay’adaha amaanka Soomaaliya wali kama aysan hadlin dhaca iyo qayla dhaanta shacabka lamana oga sida ay dowladda Soomaaliya uga jawaabi doonto qayla dhaanta shacabka.