DF oo bedashay odayaashii saxda ahaa ee soo xulista baarlamanka Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya qayla dhaan xoog leh oo ka soo baxeysa qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha daga Galmudug kuwaas oo sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay ka saartay liiska odayaal sax ah.

Beelaha ay ka soo jeedaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga badalay odayaasha dhaqanka waxaana ka shaqeeyay 3 qof oo ka kala tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen odayaasha qaarkood ee la badalay.

Odayaal cusub oo aan ka tirsaneyn 135-ka qof ee dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, sidoo kalane aan qayb ka aheyn odayashii hore usoo dhisay Galmudug ayaa lagu soo daray liiska waxaana laga saaray kuwii hore uga tirsanaa.

“Aniga oo qayb ka ah 135-ka oday dhaqameed ayaa layga saaray oo matala beesha Direed, waxaa sidoo kale laga saaray odayaal badan oo aan aqaano dadka oo dhana ay yaqaanaan” ayuu yiri Ugaas Cali Cagaweyne oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ee liiskaan laga saaray ayaa qaarkood diiday in ay hadlaan waxayna sheegeen in ay ku jiraan wadahadalo islamarkaana ay rajo ka qabaan in boosaskooda loo soo celiyo, waxaana sidaas oo noo sheegay qaarkood oo aan la hadalnay.

Hore ayaa looga digay in la farageliyo odayaasha dhaqanka iyo guud ahaanba doorashada Galmudug waxaase muuqata in ay dowladda Soomaaliya wado faragelin toos ah.