Ku dhowaad 100 qof oo ku geeriyootay dalka KENYA

Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanayo.

Saraakiisha caasimaadka ee gobolka jooga ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dhimashadu gaartay ku dhowaad 100 ruux oo u geeriyooay cudurka Covid-19, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadku.

Sidoo kale bukaano uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa, kuwaas oo haatan wajahayo xaalado adag.

Wasiirka caafimaadka ee is-maamulka wuxuu sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, taas oo uga sii dareyso xaaladda jirta, isla-markaana kor usii qaadi karto saameynta cudurka Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmato, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.

Si kastaba Kenya ayaa wajaheysa xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama nuuca cusub oo Covid-19 ah laga diiwaan-geliyay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.