Ku dhowaad 200,000 oo ka qaxday Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyey

Laascaanood (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dhowaan ay dagaallo ka dhaceen.

Bayaan Khamiistii kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay.

“In ka badan 185,000 oo qof ayaa la barakiciyey,” ayaa lagu yiri bayaanka, ayada oo shaqaalaha gargaarka ay la xarbinayaan inay ka jawaabaan xaaladda sababo la xiriira agabka oo aan ku filneyn.

Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo caruurta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka la barakiciyey, ayada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen geedaha iyo iskuullada u xirmay dagaalka dartiis.

OCHA ayaa sheegtay in saraakiisha isbitaalka guud ee Laascaanood ay ku warrameen dhimashada 57 qof iyo 401 oo dhaawac ah oo lagu daweeyey afar isbitaal oo kala duwan.

Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR.

“Iyagoo aad u daalan oo argagaxsan, waxay yimaadeen ayagoo sita wax aad u yar, kaliya waxay qaateen wixii ay qaadi karayeen,” waxaa sidaas tiri afhayeen u hadashay UNCHR Olga Sarrado Mur oo shir jaraa’id ku qabatay Geneva.

“Celcelis ahaan, 1,000 qof ayaa maalin kasta u gudbaya Itoobiya,” ayey tiri, ayada oo intaas ku dartay in kheyraadka aad ugu yar yahay gobolka Soomaalida oo isna la tacaalaya abaar darran, kadib shan xilli roobaan oo guuldarreystay.

Dagaalka Laascaanood ayaa qarxay 6-dii Febraayo, wuxuuna u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Wuxuu dagaalka yimid kadib markii odayaasha gobolka ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen inay hoos tagayaan dowladda federaalka Somaliland, uguna baaqeen mas’uuliyiinta Somaliland inay ciidamadooda kala baxaan aagga.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa xabad-joojin ku dhowaaqay 10-kii Febraayo, hase yeeshee waxay Axaddii ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay soo weerartay ciidankeeda.

Dowladda federaalka si toos ah ugama jawaabin eedeymahan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo dhoweeyey xabad-joojinta, wuxuuna ku baaqay in “gargaarka bani’aadannimo uu helo marin deg deg ah.”

“Ayada oo kumanaan qof ay barakaceen, baahida loo qabo gargaar deg deg ah aad ayey hadda u culus tahay,” ayuu yiri.

AFP, VOA