Kulamo xasaasi ah oo xalay ka dhacay Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Kulamada oo ahaa kuwa xal raadin ah ayaa waxaa garwadeen ka ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Ujeedada kulamadan ayaa ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa xiisada siyaasadeed ee haatan u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Alhu Sunna Waljamaaca.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay gooni gooni ula kulmeen labada dhinac, waxaana ay tilmaameen inay diyaar u yihiin inay  xaliyaan khilaafkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu ballamay shirar kale, si looga wada hadlo dhismaha Galmudug.

Dhinaca kale waxaa maanta Dhuusamareeb ku wajahan wafdi Xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga soo doortay Galmudug.

Xildhibaanadan oo ay ku jiraan kuwa saameyn leh ayaa sidoo kale waxa ay intooda badan ka soo horjeedaan guddiga farsamada oo ay magacowday dowladda dhexe.

Xaaladda Galmudug ayaa weli ku jirta jahwareer ka dhashay ku dhawaaqista guddiga doorashada maamulkaasi oo dhaliyey khilaaf hor leh.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com