KULAN deg deg ah oo ay labada aqal ay ka yeeshaan Farmaajo oo lagu baaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee seddex geesoodka ahaa.

Xildhibaan Sakariye Xaaji, ayaa isaga oo la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo ka heysatay arrimaha dibadda Soomaaliya, balse ay meel xun gaareyso haddii ay dhab tahay in madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasulay dacwadii dhanka badda ee ICJ taalay.

Wuxuu sheegay in guddoonka baarlamaanka “Aqalka sare iyo golaha shacabka” inay kulan deg deg ah isugu yeeraan xildhibaanada baarlamaanka ee fasaxa hadda ku maqan, si madaxweynaha Soomaaliya wax looga weydiiyo heshiiskii uu kusoo galay magaalada Nairobi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha laga sugayo inuu faahfaahin ka bixiyo kulamadii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, maadaama shacabka iyo siyaasiyiinta ay walaac badan ka muujinayaan waxyaabaha lagu heshiiyay.

Sidoo kale wuxuu cadeeyay in madaxweynaha aysan habooneyn inuu tago magaalada Nairobi maadaama loo baahnaa in wasaaradda arrimaha dibadda ka bilaabato wada xaajoodka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

“Mowduuca loo tagay meesha waan og nahay badda ayaa loo tagay, madaxtooyadana wax jawaab ah kama heyno oo ku aadan waxa kasoo baxay, anagu xildhibaano ahaan waajib ayaa inaga saaran, hadda fasax ayaa lagu jiraa, labada guddoomiye waa inay u yeeraan xildhibaanada oo la iskugu yimaadaa kulan deg deg ah”

“Madaxweynaha waa inuu keenaa heshiiska uu soo galay waxa uu yahay, si ay meesha kaga baxdo hadalada la hadal hayo, haddii ay run tahay waxyaabaha ay hadal hayaan warbaahinta Kenya iyo Ethiopia waa arin qatar teeda leh”ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com