Laba gabdhood oo mid ay shan jir tahay oo lagu kufsaday gobolka Sanaag

Badhan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in gabar 5 sano jir ah lagu kufsaday magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag, waana kufsigii 2aad oo ka dhacay Gobalkaasi sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Saraakiisha amaanka ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in kufsiga gabadha 5 jirka ah uu geestay nin da’diisa lagu qiyaasay 20 ilaa 25 jir, sida ay xaqiijiyeen Taliska Booliiska ee Puntland.

Sidoo kale Tuulo ku taala Gobalka Sanaag ayaa sidaan oo kale waxaa loogu kufsaday gabar 15 sano jir ah, waxaana kufsigaasi la sheegay in ay fuliyeen ilaa dhowr nin. Waxaa isa soo taraya walaaca ay qabaan dadka degaanka.

C/llaahi Cumar Canshuur oo ah Sarkaal katirsan Ciidamada Booliiska Puntland, gaar ahaan Gobalka Sanaag ayaa sheegay in raga kufsiga geestay mid kamid ah uu baxsaday Ciidamadana ay ku raad joogaan.

Taliyaha ayaa digniin u jeediyay rag kufsiga ka bilaabay gobalka Sanaag. Waxa uu sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono hadii ay ku cadaadan dembiyada ay galaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com