Shir ka dhan ah go’aanka DF oo ka dhacaya Kismaayo

Kismaayop (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in goor dhow kulan deg deg ah Kismaayo ay ku leeyihiin mas’uuliyiinta ku sugan magaaladaasi iyo madaxda Jubbaland, kaas oo looga hadli doono xayiraada ay markale dowladdu saaratay garoonka diyaaradaha magaalada Kimsaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la sheegay inuu guddoomin doono  Madaweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya, Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud,Shariif Sheekh Axmed, Madaxeweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdiskuur Warsame Senatoro iyo Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay shirkan ayaa waxaa laga soo saaro doonaa go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Xalay warqad ka soo baxday hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa lagu mamnuucay duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Jubbaland.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ku casuuntay Kenya, Itoobiya Jabuuti iyo maamulka Somaliland.

Munaasabadda ayaana la filayaa in la qabto caawa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama dowladdu ay markale xayiraad saartay hawada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com