Maxaa ku hoos duugan deynta cusub ee ay Norway qoorta u surtay Soomaaliya?

Muqdisho-(Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray warbixintii hanti dhawrka guud ee qaranka iyo lacagtii ay dowladda Norway deymisay Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xisbigu ka walaac xoog leh ka qabo, warbixinta hanti dhawrka oo ay ka muuqato sida lagu yiri qoraalka isku dheeli tirnaan la’aanta dakhliga iyo qorsheynta miisaaniyadda xukuumadda.

Sidoo kale qoraalka uu Xisbigu ka soo saaray arintaas ayaa lagu sheegay in warbixintu ay daaha ka rortay xadiga musuq maasuq iyo daahfur la’aanta maaliyadeed ee xukuumadda federaalka.

“Warbixintu waxay cadeysay in balan qaadka xukuumadda ee ladagaalanka musuq maasuqa uu yahay mid afka baarkiisa ku’eg iyo dacaayad warbaahineed oo marin habaabinta shacabka loogu tala galay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xisbiga Wadajir.

Mar uu xisbigu uga hadlaayay qoraalkiisa lacagtii ay Norway amaahisay Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Xisbigu waxa uu walaac ka muujinayaa xilliga, xiriirka iyo xigmada ka dambaysa deeqda dowladda Norway ee ku soo beegantay xilli ay xukuumaddu ku fashilantay dhaqan galinta daag furnaanta, isla xisaabtanka iyo daah furnaan maaliyadeed”.

“Waxaa adag in la rumaysto war-saxaafadeedka dowladda Norway oo deeqda ay siisay Soomaaliya sabab uga dhigtay xisilooni amni iyo mid siyaasadeed oo Soomaaliya sanadihii dambe ka hir gashay”ayaa lagu yiri qoraalka.

Xisbiga Wadajir ayaa Norway ugu baaqay in saaxiibtinimada ay la yeelanayso Soomaaliya aysan noqon mid ku tiirsan dan shakhsiyadeed.

“Dowladda Norway waxaan ugu baaqeynaa in shacabka Soomaaliyeed ay la saaxiibto, dhageysatana aragtiyada kala duwan, xiriirka ay Soomaaliya la leedahana uu noqdo mid daah furnaan iyo hufnaan ku dhisan, dhaafsiisana saaxiibo siyaasadeed oo xiriir shakhsi ah kala dhaxeeyo”.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka oo intaa ka dheer

 

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com