Kulan lagu taageerayay duqa Muqdisho oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo soo dhawayn iyo taageeraba loogu muujinayay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen ururada bulshada raqyidka ayaa lagu qabtay Hotel Royal Palace, waxaana ka qaybgalay ururada bulshada, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cali Maxamed Geedi oo kualnka ka qaybgalay ayaa bulshada reer Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Cali Maxamed Geedi ayaa kulankan ka sheegay in uu maalinta Arbacada Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono xisbi siyaasadeed, kaasoo uu sheegay in mid mucaarad ah uu noqon doono.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in la qabto kulan taageero loogu muujinayo Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahadceliyay dhinacyadii soo qaban qaabisay, waxaana uu ballanqaaday in si hufan uu ugu adeegi doono saddexda milyan ee Caasimadda ku nool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa 22-kii bishii August Cumar Filish u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.