Wasaaradda maaliyadda oo wada qorshe canshuurta qaadka loogu wareejinayo shirkad gaar loo leeyahay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe la doonayo in qaadka iyo canshuurtiisa loogu wareejinayo shirkad gaar loo leeyahay.

Shirkadda lagu wareejinayo maamulitaanka soo dagista qaadka iyo canshuurtiisa ayaa waxaa lagu magacabaa Daladda Miira.

Dalladda Miira waxaa ku jira ganacsato Soomaaliyeed balse ay leeyihiin una badan yihiin kuwa Kenyan ah, waana shirkadda ka ganacsato qaadka oo ay ke keento Kenya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa qorshahaan wado, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo shirkadda lagu wareejiyo.

Sida aan xogta ku helnay shirkadda ayaa la siin doona saami u dhaxeeyo 30-40% waxayna la wareegi doontaa maamulka iyo canshuurta qaadka.

Heshiiskaan oo hadda marayo meel gebagabo ah ayaa waxaa ka dhallan karto in dalka lasoo geliyo qaad aan xisaab laheyn maadaama la xakameeyey tirada ganacsi ahaan loo keeni karo dalka.

Waxaa sidoo kale fududaan doonto in si fudud loo musuq maasuqa canshuurta qaadka, maadaama lagu wareejiyey canshuurta isla shirkadda qaadka ka ganacsaneysay taasoo ah heshiis ay ka dhallan karto dhibaato.

Heshiiskaan ayaa waxaa gadaal ka riixaya mas’uuliyiinta ugu sareeyo Wasaaradda kuwaas oo heshiis kula jiro shirkadda howshaan lagu wareejin rabo, waxaana la sheegay inay ku leeyihiin saami gaaraya illaa 15%.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacago badan ka hesho canshuurta qaadka, waxaana maalintii lagu qiyaasaa inay kasoo xarooto 30- 35 kun oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com