Kulan Muqdisho uga socda Mursal, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in uu kulan u socdo guddoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, oo hadda hogaamiya Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo hoygiisa kula leeyahay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, ayaa sida aan xogta ku helnay looga hadlayaa doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen.

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Mursal u gudbin doona mowqifka Madasha ee ku aadan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo sida ugu habboon looga gudbi karo marxalada kala guurka ee uu dalku galayo.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Kulankan ayaa ah mid qorsheysan oo Madaxweyanyaashii hore si gaar gaar ah ula yeelanayaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, waxaana ay ku hormareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo uu jiro walaac xooggan iyo warar sheegaya in guddoomiye Mursal uu madaxweyne Farmaajo ka ogolaaday muddo kororsi, kadib cadaadis xooggan oo la saaray.

Muddo kororsiga ay damacsan tahay Villa Somalia ayaan hir-geli karin haddii uusan ogolaan guddoomiye Mursal, waxaana wararku ay sheegayaan in Mursal lagu cabsi geliyey inuu kursigiisa xildhibaannimo weyn doono, haddii uusan aqbalin qorshaha madaxtooyada.

Mursal ayaa waxaa deegaan doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed, oo uu madaxweyne ka yahay Cabdicasiis Lafta-gareen oo laga maamulo Villa Somalia, islamrkaana aqbali doona dalab kasta oo uga yimaada.

Wararkeena dambe kula soco waxa kasoo baxa kulanka Mursal iyo madaxdii hore, Insha Allah