Dibadbax ka duwan midkii ay soo abaabushay dowladda oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaabax looga soo horjeedo in 4.5 lagu qeybiyo xubnaha aqalka sare ku matali doona gobolka Banaadir, iyo la siyaasadeeyo maqaamka gobolka Banaadir.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray, Odayaal, Dhalinyaro iyo Haween ayaa isugu soo baxay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana ay dalbanayeen in gobolka Banaadir dadka ku nool ay helaan xaquuqdooda waxaana nasiib darro ay ku tilmaameen in matalaadda gobolka lagu saleeyo hanaanka awood qeybsiga ee 4.5.

Banaanbaxa oo ay ka qeyb galeen dadweyne badan ah ayaa waxaa dadkii ka qeyb-galay ay ay si weyn u dhaliileen hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale banaan baxaayasha ayaa codsaday in Maqaamka Gobolka Banaadir laga dhigo mid heer Federaal ah isla markaasna Magaalada la siiyo maqaam la mid ah midka ay heystaan Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Bnaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayey ereyo ay ka mid yihiin (BANAADIR DADKEEDA AYAA LAGALA TASHAN) iyo (AFDUUB YEELI MEYNO) iyo Erayo kale, kuwaas oo lagu diidanaa hanaanka beelaha 4.5.

Mid ka mid odeyaasha soo agaasimay bananbaxa oo saxaafadda kula hadlay goobtii dibadbaxa uu ka socday ayaa sheegay in qodobka 9-aad ee dastuurka ee ka hadlayo magaalo madaxda dalka ee Muqdisho oo dastuurka dalka uu leeyahay ( waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u eegista dastuurka waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya) waxaana uu siweyn u dhaliilay ku saleynta maqaamka 4.5

“Waxaan diidan nahay oo aan ka dagaalamaynaa dulmiga iyo hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha oo ahaa in gobolka Banaadir lagu dhaqaayo qoboka 9-aad ee dastuurka, qodobka 9-aad haddii aan lagu dhaqin Jubbaland Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii aan Puntland lagu dhaqin Banaadir laguma dhaqaayo, qodobka 9-aad haddii Galmudug lagu dhaqin Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii Koonfur Galbeed lagu dhaqin Banaadir lgu dhaqimaayo, gobolka Banaadir laguma qaadan karo Afduub iyo oday Laaluush lasiiyey dadkiisii waa kuwaan oo shalay difaacday maanta iyaga ayaa difaanayo” ayuu yiri nabadoonka ka hadlay goobka dibadbaxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa markii dambe kala eryey banaanbaxayaasha, waxaana la xiray qaar ka tirsan dadka soo baxay halka kuwa kalana la jirdilay.

Waxaa xusid mudan in maamulka Farmaajo uu saaka soo abaabulay dibadbax ay ilaalinayeen ciidamada dowladda kaas oo dartii loo hakiyey isu socodka gaadiidka iyo dadka isla markaana dhaqaale xumo Soo gaarsiiyey dadka ku ganacsada jidka Maka Al-mukarma.