Saddex dal oo Carbeed oo ‘aqbalay’ qorshaha Israel ugu darsaneyso Daanta Galbeed

Qudus (Caasimada Online) – Wargeyska Israel Hayoom ayaa qoray in saddex dal oo Carbeed ay aqbaleen qorshaha Israel ugu daresaneyso dhulka Daanta Galbeed, kaasi oo la filayo inay ku dhaqaaqdo bisha July.

Wargeyska ayaa sheegay in dalalkaas ay kala yihiin Masar, Jordan iyo Sacuudiga, kuwaas oo qorshahan aqbalay si Mareykanka iyo Israel ay gacan uga siiyaan sidii looga hortagi lahaa saameynta Iran ee Bariga Dhexe.

Ilo-wareed Carbeed ayaa u sheegay Israel Hayom in hogaamiyeyaasha Carbeed ay ka wel-welsanyihiin in tallaabo u gaar ah Israel ay gobolka u horseedi karto khilaaf, sidaas darteedna ay ku aqbaleen qorshaheeda.

“Saddexda dal ayaa ka adkaanshaha Iran u arka mid ka muhiimsan qadiyadda Falastiin, waana taas sababta ay ku ogolaadeen qorshaha Israel iyo Mareykanka, maadaama ay labadaas dal ugu baahan yihiin dagaalka Iran,” ayuu yiri il-wareedka.

Riyad al-Maliki oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa ka falceliyay warbixita uu daabacay wargeyska Israel Hayom, waxaana uu sheegay in warbixintu ay layaab ku noqotay.

“Waxaan si toos ah iyo si aan toos ahayn ula xiriirnay hogaamiyeyaasha carbeed si aan u weydiino cadeyn, laakiin weli kama aanan helin beenin iyo xaqiijin warbixinta ku saabsan midna,” ayuu yiri.

Maliki waxaa uu intaas ku daray in maamulka Falastiiniyiinta uu isku dayayo in uu adeegsado bulshadda caalamka si cadaadis loo saaro Israel, si aysan u dhaqan gelin qorshaheeda oo hadii ay sameyso dunida usoo jiidaya mowjado qalalaase ah, argagixiso, iyo xasilooni darro.

Sida uu sheegay Maliki, “beesha caalamku waa in ay u sheegtaa Israel qorshaheda uu keeni karo cune-qabateyn la saaro Israel. Waxaan dooneynaa in aan ka tagno Israel iyo maamulka Trump.”

Xoghayaha Guud ee Ururka Xoreynta Falastiin Saeb Erekat ayaa sheegay in ay raadin doonaan xaqiijin ku saabsan warka sheegaya in dalal carbeed aysan diidi doonin dhaqan gelinta qorshaha Israel ay madaxbaanida uga sheeganeyso dooxada Jordan iyo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.

Madaxii hore ee wada-xaajoodka ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in dunida carbeed aysan Israel u ogolaan doonin in ay horay ugu socoto qorshaheeda.