Xaalada caafimaad ee gabar sun ku cabtay degmada Guriceel oo laga deyrinayo

Gurceel (Caasimada Online)-Degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud caawa waxaa sun ku cabtay Caasho Cali Diiriye oo ah gabar da’yar.

Qaar ka mid ah ehellada gabadhan ayaa Caasimada Online in sababta ku kaliftay inay sunta cabto loo aaneynayo arrimo jaceylo.

Xaalada ay ku sugantahay gabadhaas ayaa aad looga deyrinayaa, waxaana xaaladeeda caafimaad lagu baxnaaninayaa isbitaal lagu magacaabo Fayo oo ku yaalla Gurceel.

Sidoo kale ehellada Caasho waxay noo sheegeen in gabadhooda ay aheyd ardayad dhigata fasalka koowaad ee dugsiga sare.

Reerka gabadhaas caawa sunta cabtay ayaa Gurceel ka degan xaafadda Towfiiq, waxayna Schoolka ka dhiganeysay isla xaafaddaas, sida ay noo sheegeen xubnaha noo waramay.

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud gabadhan caawa sunta ku cabtay waxay noqoneysaa qofkii seddaxaad ee sanadkan gudihiisa sun ku cabtay, waxayna seddaxda qofba ka mideysnaayeen arrimo jaceyl.