Booliska oo shaaciyey laba bartilmaameed oo maanta lala damacsanaa qaraxyadii Muqdisho lagu fashiliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxyo ay maanta fashiliyeen ciidamada booliska Soomaaliya ee ka howlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay xusid mudantahay in magaalada ay maanta ka socdeen banaan baxyo nabadeed.

Afhayeenka  ciidamada Booliska Soomaaliya Dhamme Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada booliska Soomaaliya ay maanta qabteen nin doonayay inuu isku  dhex qarxiyo dadweynihii maanata Muqdisho ka dhigayey banaanbaxa nabadeed ee lagu taageerayey in Muqdisho metelaad yeelato.

Afhayeenka ayaa sheegay in ninkaas la qabtay uu xirnaa Jaakadda qaraxda, balse ay ka war heleen ciidamada ammaanka sidaasna lagu fashiliyey qaraxaas, oo hadda ay gacanta ku hayaan.

“Dhagar qabe doonayay inuu maanta isku qarxiyo banaan baxayaasha ayaa ciidamada ammaanku gacanta ku soo dhigeen iyo jaakadii qaraxa aheyd ee uu watay baaritaan ayaana ku socda hada”ayuu yiri Sidiiq Aadan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in isla maanta la qabtay nin kale oo doonayey inuu muwaadin Soomaaliyeed qarax ugu xiro gaarigiisa, kaas oo sida uu sheegay dhaawac fudud uu kasoo gaaray asagii, haatana uu ku jiro gacanta booliska.

Banaanabaxii maanta ee lagu taageerayey hadalkii madaxweynaha ayaa ka dhacay illaa afar goobood oo dadweynuhu ay isigu yimeedeen, kuwaas oo kala ah, isgoysyada Sanco, KM 4, Taalada Daljirka iyo saldhig Galbeed, balse Afhayeenka booliska Soomaaliya ma sheegin goobta sida gaarka ah loogu qabtay ninkaas doonayey in uu is qarxiyo.

Waxaa xusid mudan in banaanbax labaad uu maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo lagu diidanaa in metelaadda Muqdisho lagu qeybisado 4.5, sidoo kalena looga dhiidhinayey xasuuqii Gololey loogu geystay dhalinyaradii dhakhaatiirta aheyd, oo dad badan ay ka caroodeen markii uu madaxweynuhu ku soo hadal aadi waayey khudbadiisii shalay.