James Swan oo war kasoo saaray tallaabooyinkii ay qaadday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey tallaabooyinkii ay dhowaan qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ee wax looga qabanayo musuq-maasuqa.

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa 4-tii June waxay meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuq-maasuqa ee 2020-2023.

Istaraatiijiyaddan ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagula dagaalo musuq-maasuqa, lagu xoojiyo sumcadda hay’adaha, islamarkaana lagu dhiso hanaan ku saleysan tayo oo lagu xaqiijinayo daah-furnaanta maamulka maaliyadda dadweynaha, sarena loogu qaadayo la-xisaabtankooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhowaaqday inay diyaar u tahay inay ku biirto islamarkaana saxiixdo axdiga QM ee la-dagaalanka musuq-maasuqa ee UNCAC.

“Waxaan soo dhoweyneynaa sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay la-dagaalanka musuq-maasuqa, islamarkaana ay u dhiseyso aaminaadda lagu qabo hay’adaha dowliga ah,” waxaa sidaas qoraal uu soo saaray ku yiri ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan.

“Tallaabooyinkan waa kuwa muhiim ah, islamarkaana xafiiska QM ee Soomaaliya wuxuu ku dhiiri-gelinayaa laamaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo laguna ballaarinayo daah-furnaanta, sumcadda iyo la-xisabataanka maamulka maaliyadda dadweynaha,” ayuu yiri.

Swan ayaa intaas ku daray inuu filayo in lagu dhaqaaqo fulinta ballan-qaadyadan.