Qurbo Joogta Banaadir oo cambaareeyey dibad-baxii Xamar iyo hadalkii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay Madasha Qurbo Joogta Gobolka Banaadir ee loo yaqaan Muqdisho Principals ayaa lagu cambaareeyey dibad-baxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Hoos ka aqriso bayaanka.

Ujeeddo: Cambaareyn ka dhan ah mudaaharaadkii maanta ka dhacay Muqdisho.

Anagoo ah qurba joogta ka soo jeeda Gobolka Banaadir waxaan la wadaagaynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya baaq cambaareyn ah kaas oo xambaarsan dareen ka xumaansho ah mudaaharaadkii maanta ka dhacay mgalaada Muqdisho. Sidoo kalana digniin u diraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaika Soomaaliya, Hogaanka iyo Guddoonka Gobolka Banaadir & Xukuumada uu hogaamiyo RW Xasan Cali Kheyre:

Baaqana waxa uu u qoran yahay sida soo socota:

Cambaarayn

1- Waxaan cambaarenaynaa hindisa sharciyeedkii ka soo baxay Gudigii isku dhafka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa matalaada Shacabka Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka kaas oo ah gef ula-kac ah oo loo geystay shacabka deggan Gobolka Banaadir.

2- Waxaan si xoog leh u cambaaraynaynaa Khudbadii Madaxweyne, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu ka horjeediyay kalfadhigii (7) toddobaad ee BFS taariikhdu marka ay ahayd 06/06/2020, taas oo si kutalagal ah aan loogu tacsiyadeen isla markaana aan lagu cambaarayn xasuuqii ka dhacay tuulada Gololay ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

3- Waxaa wax laga xumaado ah in Hogaanka Dowlada Fedaraalka ka been abuuraan Matalaadda Gobolka Banaadir isla markaana xaqiraan baaqii ka soo baxay Ugaaska Qowmiyadda Mudulood uu dhawaan la wadaagay saxaafadda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

4- Waxaan ka soo horjeednaa Mudaaharaadkii been abuurka ahaa ee ka dhacay magalaada Muqdisho 07/06/2020 laguna sheegay in lagu taageerayay khudbadii Madaxweynaha lagu doonayay in lagu jahawareeriyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir.

5- Waxaan Soomaalida iyo Wakiiladda Beesha Caalamka u fadhiya dalka Soomaaliya u cadaynaynaa in dadka loo soo bixiyay in ay taageeraan Khudbadii Madaxweynaha ay ahaayeen dad isugu jiray baarkacayaal la soo kiraystay iyo kooxo lagu sheegay xoogagii wadaniyiinta oo u shaqeeya Farmaajo, laakiin ayan ahayn dad matalaya dareenka Shacabka deggen Gobolka Banaadir.

6-  Waxaan si gooni ah u cambaaraynaynaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish si ula kac ah u xaqiray hogaanka dhaqanka qowmiyada Mudulood (Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle) oo horay u diiday soo jeedinta gudiga isku dhafka ah ee BFS. Gudoomiyuhu wuxuu arintaan ku dhaqaaqay isagoo iska indha-tiraya mowqifka Ugaaska iyo shacabka Gobolka Banaadir, isla markaana si kutalagal ah u taageeray go’aanka guracan ee uu qaatay Madaxweyne Farmaajo

7- Waxaa Cadaynaynaa in shacabka Gobolka Banadir xor u yihiin, xaqna u leeyihiin in ay aayahooda siyaasadeed ka taliyaan.

8- Waxaan sidoo kale cambaaraynaynaa falkii argagaxa lahaa ee lagula kacay dibad baxayaashii diidanaa kana soo horjeeday taageerada Farmaajo iyo hogaankiisa kuwaas si nabad ah ku cabirayay dareenkooda. Talaabada ay qaadeen ciidamada daacada u ah Farmaajo waxa ay ka soo horjeedaa Sharuucda caalamiga.

9 – Waxaan si adag u cambaareynaynaa falal dembiyeedka ay sida joogtada Dowladda Farmaajo kula kacayso shacabka Gobolka Banaadir ee u doodaya xaquuqdooda.

10- Ugu dambeystii waxaan ka xunahay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Banaadir aamusnaanta ay ka amuusan yihiin xaalada cakiran ee ka jirta Gobolka Banaadir iyo iyaga oo gabay waajibaadkii ka saarnaa dadka ay wakilka uga yihiin labada Aqal..

Wabilahi Towfiiq

DHAMAAD