Kiisaska CORONAVIRUS ee Somaliland oo sii kordhaya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay in 24-kii saac ee u dambeeyay ay kor u kaceen kiisaska cusub ee cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19 iyo dhimashada deegaanadeeda.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta warbixinteedii maalinlaha aheyd ku shaacisay inay soo kordheen 19-kiis oo cusub, kuwaasi oo kamid ahaa 83-ruux oo laga baaray cudurka.

Wasaarada ayaa sheegtay in dadkan maanta laga helay cudurka ay dhamaantood yihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland, isla markaana muddooyinkii dambe aan galin wax safar ah.

Kiisaskan cusub ayaa lagu kala sheegay inay 12-qof yihiin Rag, halka ay todobada kale ay yihiin dumar, kuwaasi oo badankoodu ku nool-yihiin magaalada Hargeysa, halka mid kamid  ahna uu ku sugan yahay Gabiley.

Dadka cusub ee cudurka laga helay ayaa da’doodu u dhaxeysa 10-jir ilaa 89-jir, sida lagu sheegay warbixinta wasaarada caafimaadka.

Warbixinta wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in 24-kii saac ee u dambeeyay uu cudurkaasi u geeriyooday hal ruux oo ku sugnaa magaalada Burco, halka ay ka bogsadeen 9-ruux oo kale.

Tirada guud ee cudurka Coronavirus ee gudaha Somaliland ayaa gaartay 449-kiis, halka ay ka bogsadeen 73-ruux, iyada oo cudurkaasi u geeriyoodeen 25-ruux, ilaa inta la ogyahay.