DF oo markale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada dalka iyo sababta keentay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada dalka oo muddo dheer hakad ugu jira saameynta Covid-19.

Duulimaadyada Soomaaliya ayaa lagu waday iney si rasmi ah u furmaan maanta oo Isniin 8-da bisha, hase yeeshee waxaa dib loo dhigay ilaa todobaadka dambe, sida ay noo sheegeen xubno xog ogaal ah oo ka tirsan wasaaradda duulimaadka.

Shalay Galab ayaa warqado loo diray shirkadaha duulimaadyada dalka taas oo loogu sheegayo iney dib u dhacday furitaanka duulimaadyada dalka.

Sababta keentay dib u dhaca ayaa lagu sheegay cilado farsamado islamarkaana la xalin doono maalmaha soo socda, sida aan ka soo xiganay xubno xog ogaal ah oo ka tirsan hay’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Muddo ka badan laba bilood waxaa hakad ku jira duulimaadyada Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay arimo la xariira Covid 19, kaas oo wali ka jira Soomaaliya iyo meelo kale oo dunida ah.