Puntland oo ka digtay arrin ay DF ka damacsan tahay doorashada 2020/2021

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoonka golaha wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladda kala guurka ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa si adag uga digay in doorashada qof iyo codka ah ee loo wado Soomaaliya lagu saleeyo hanaanka 4.5 ee ay haatan wax ku qeyb-sadaan beelaha Soomaaliyeed.

Mr. Cabdicasiis ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka gaabisay diyaar-garwoga doorashooyinka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay nidaamka 4.5 uu ahaa xal wakhtigiisa joogay oo laga soo gudbay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo xeer u cadaalad sameynayo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Waa in qabiilada Soomaaliyeed midna cod yeesho midna aanu cod yeelan oo qabiil is doorto waa in la sameeyo xeer aan u cadaalad samaynayn Ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiilada maamulka Puntland.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay horey dowlad goboleedka Puntland u shaacisay inay aysan qeyb ka noqon doonin doorashada Soomaaliya ee 2020 illlaa 2021-ka, haddii aan latashi lagala sameyneynin qorshaha ay wado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.